Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Amar Dul-dhigay Laamaha Amniga Galmudug

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Saraakiishii Ciidanka dowladda Federaalka ee todobaadkii horey lagu dilay duleedka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa laamaha amniga maamulka Galmudug is deg deg ah uga dalbaday inay gacanta kusoo dhigaan Maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilkii loo geystay Saraakiisha Ciidankii dowladda oo weli la baadi goobayo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay gacan ku siin doonto Galmudug dadkii ka dambeeyay falkaas sharciga loo horkeeni lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo ka wada magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu maamulka Galmudug, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kala hadlayaa arrimaha amniga, horumarka, dib u heshiisiinta iyo arrimo kale.

Weerarka lagu dilay Saraakiisha ayaa ka dhacay inta u dhexeeysa Balanballe iyo Guriceel, isla markaana waxaa halkaas ku dhintay ilaa iyo 6 Sarkaal, halka saddex kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen,  xili ay kasoo laabteen tababar ay soo qaateen.