Ra’iisul Wasaare Rooble oo Arrimaha doorashooyinka kala hadlay Beesha Caalamka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga  ee Aalada (ZOOMKA) shir kula yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Hirshabeelle iyo hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee BFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wakiillada beesha caalamka kala hadlay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay cadaadis ku saarayaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida sidii loo dhameystiri lahaa doorashada Golaha Shacabka si loogu gudbo doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan iyo Madaxweynaha