MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu safaro ku tagayo dhammaan deegaanada ay ka dhaceyso doorashooyinka, isagoo caddeeyay in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay mas’uul ka tahay doorashada ka dhaceyso Kismaayo iyo Garbahaarey, isagana uu ku kormeerayo kulana xisaabtamayo hirgelinta arrimaha doorashada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta uusan ka ambabaxin magaalada Kismaayo waxaa uu kormeeray goobta magaalada Kismaayo looga diyaariyay inay ka dhacdo doorashada labada Aqal, isaga oo kulan dardaaran ahaa la qaatay Guddiga doorashooyinka Jubbaland.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo hadlay ayaa sheegay in dhamaan uu booqan doono xarumaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka, sida, Boosaaso, Garoowe, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Baraawe, Baydhabo,Jowhar iyo Beledweyne.