Ra’iisul Wasaare Rooble oo cambaareeyay qarixii ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Rooble
Ra’iisul Wasaare Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay weerarkii is-maaminta ahaa ee saaka ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa marka hore si adag u cambaareey qaraxan oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo ay arday ku jiraan, kuwaas oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay,

“Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday.

Waa fal bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ugu sii talax tagtay daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Roobl3.

Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iimaan Eebbe ha ugu deeqo”.ayuu yirri Ra’iisul Wasaaraha XFS  Maxamed Xuseen Rooble.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay la beegsatay saraakiil cadaan ah iyo tababarayaal milatari.