Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray Magaalada Mombasa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya halkaas oo lagu wado in galabta uu kula kulmo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya, waxaana ujeedka safarkiisa uu yahay casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la filayaa in uu galabta kulan la qaato Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo madax kale oo waddankaas Ka tirsan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa safar ku tagi doona magaalada Nairobi, halkaas oo uu kula kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi, diblomaasiyiinta dalalka daneeyaa arrimaha Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta saxafaaradda Soomaaliya ee Kenya.