Ra’iisul wasaare Rooble oo galabta dhoolatus siyaasadeed ka sameeyey Muqdisho

Rooble iyo dhoolatuskiisii siyaasada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa galabta socod minjo baxsi ah waqti dheer  ku Lugeeyay Xeebta Xalane, Ujeedkaka koowaad waxa uu ahaa guushii dhamaystirka Aqalka Sare ee Somaliland oo maanta soo idlaatay.

Sawirro laga soo qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo wada socday ayaa u muuqday kuwo sameynaauey dhuulatus siyaasadeed kadib markii guul kusoo dhammaatay doorashadii Aqalka Sare ee Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha oo hogaaminaya doorashada dalka ay u sii aalamiinteyda hirgalinta doorashada Gollaha Shacabka.

Rooble ayaa aad loogu amaanay howsha doorashada ee hanaanka hufnaanta leh iyo hadalada uu usoo jeeeiyo shacabka Soomaaliyeed isagoo marwalbo u muuqdo mid hami sare ka leh hergelinta doorasho daah furan.

Rooble iyo dhoolatuskiisii siyaasada