Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Galabta Ka Ambabaxay Garowe Kuna Sii Jeeda Dhuusamareeb.

GAROOWE-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa galabta ka ambabaxay Garowe, isaga oo ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb, waxaa garoonka diyaaraddaha ka sagootiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa xiligaan ka socota Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur, isla markaana waxaa halkaas ku sugan boqolaal qof iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Wafdi hordhac u ah Rooble oo isugu jira Mas’uuliyiin iyo Ciidankiisa Ilaalada gaar ah ayaa goorsii horeysay gaaray Dhuusamareeb, iyadoo Sawirrada RW Rooble lagu dhejiyay tabeelayaal la suray hareeraha laamiga.

Ujeedka Maxamed Rooble ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula qaadan lahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxda kale ee Maamulka, isagoo kala hadli doona Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya iyo xalinta tabashooyinka jira.