Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Garowe Kula kulmay Isimada iyo Qeybaha Bulshada Rayidka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo  ku sugan magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa halkaas kulan kula yeeshay Isimmada iyo qeybaha bulshada rayidka Puntland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanacyadii uu la kulmay waxa uu warbixin ka siiyey xaaladda ee dalku marayo, gaar ahaan xilligaan lagu jiro doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hoygooda Garowe ku booqday Islaam Ciise Islaam Maxamed iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa uga mahadceliyay kuna dhiirrigaliyay kaalintooda dhowrista dhaqanka, dhisidda nabadda iyo isku haynta bulshada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa uu sidoo kale ka dhageytay talooyinkooda ku aaddan dowladnimada iyo sida loo wajahayo arrimaha muhiimka u ah mustaqbalka dalka.

“Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoyga uu ka deggan yahay caasimadda Puntland ee Garowe kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland oo uu warbixin ka siiyay guud ahaan xaaladda dalka iyo qaabka dowladdu u wajaheyso arrimaha ay ugu muhiimsan tahay doorashada dalku galayo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshda rayidka ah ee deegaanada Puntland ku ammaanay kaalintooda dowlad dhiska iyo dhiirrigalinta nabadda, isagoo ku boorriyay inay doorkooda ka qaataan arrimaha taagan haatan, sida doorashooyinka oo ay talo iyo saameynba ay ku leeyihiin.

“Wakiillada Bulshada Rayidka ah ayaa dhankooda Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay talooyin iyo tusaalooyin muhiim ahaa oo la xiriira arrimihii la isla soo qaaday” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Rooble.