Ra’iisul wasaare Rooble oo la filayo inuu qaado tilaabo deg deg oo ku aadan kiiska Ikraan Tahliil.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar hoose oo an helnay ayaa waxaa uu sheegaya in Ra’iisul wasaare Xuseen Rooble uu tilaabo deg deg ah uu qaadi doono goordhow.

Rooble ayaa la sheegin in xilka uu ka qaadi doono Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo lagu tuhunsan yihiin inuu amray dilka Ikraan Tahliil oo la waayey 26kii juun.

Kulan muddo u socday madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooblr ayaa la sheegay in la isku afgartay in Taliya NISA Fahad Yaasiin xilka laga qaado maadaama arrinta darteed laga yaabo inuu dagaal beeleed uu sababi karo.

Ikraan Tahliil waxay ka mid ahayd dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay.

2017-kii ayay ku biirtay Ikraan Hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA , waxa ayna tababar ku soo qaatay mudo shan bil ah magaalada London ee dalka UK.

26-kii June muuqaal ay duubtay CCTV ayaa muujiyay Ikraan Tahliil oo gaar ka raacsay gurigeeda oo ku dhow xarunta NISA ee Muqdisho, wixii xiligaa oo ahayd markii la waayay.

02-Semptember Hay’ada Sirdoonka Qaranka ayaa qoral ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Ikraan oo mudo ka mid ahay NISA ay ku baxday gacanta Al Shabaab.