Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddiga ka dhageystay warbixin ku aaddan howlaha u qabsoomay, isagoo ku boorriyay in ay sii dardar galiyaan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta matalaadda haweenka ee labada aqal ee Baarlamaanka.

Xubnaha Guddiga ayaa sidii kale Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay hadii ay jiraan cabasho la xiriirta in haweenkanay helaan qoondada ay ku leeyihiin Baarlamaanka labada Aqal.