Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta la kulmaya Madaxda dalka Qatar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo xalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa waxaa lagu wadaa in uu Maanta kulan la qaato Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.

Rooble ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxda dalka  Qatar , waxaana ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar iyo mashaariicda ay dowladda Qatar ka waddo Soomaaliya.

Sidoo kale Xubnaha Golaha Wasiirads ee kamid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankooda waxaa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar, iyaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan baahiyaha kajira dalka.

Dowlad Qatar ayaa kamid ah dowladaha saaxiibada dhow la ah Soomaaliya iyadoo hadda ka wadda mashaariic horumarineed oo ay ugu weyn tahay dhisamaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la dhammeeyay iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar ooh hadda ay howsheedu socoto.