Ra’iisul Wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi Cusub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxamed Xuseen Rooble  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta  ayaa magacaabay Guddi Farsamo heer sare ah oo u qaabilsan hirgelinta doorashada dadban ee lagu wareejiyay.

Guddiga oo ka kooban Todobo xubnood ayaa isugu jira, la-taliyeyaashii Ra’iisul Wasaaraha, waxaana ay Shaqadoodu tahay inay la wareegaan arrimaha maamulka Doorashada, isku xirka Guddiyada Doorashada kala duwan, maamulka dhaqaalaha iyo xiriirka Beesha Calaamka.

Hoos Ka Akhriso.