Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga dib u heshiisiinta Gedo kuwaas oo ka kooban afar xubnood oo heer Wasiir kana socda afarta Dowlad Goboleed ee Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, iyagoo safar ku tagi doona dagmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.