Ra’iisul Wasaare Rooble oo Magacaabaya Guddi ka kooban 5 Xubnood

MUQDISHU-AYAAMAHA-Shirkii ay Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliyabxalay ayaa waxaa ay kaga hadlay dhacdadii todobaadkaan ka dhacday Gudaha Villa Somalia ee la sheegay in Ciidamada lagu geeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Golaha ayaa cambaareeyay isku daygii afgambigii fashilmay ee 27ka December lagu soo qaaday Xarunta Gollaha Wasiirada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo muujiyay sida ay uga xun yihiin falkaas.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidii ku lugta lahayd duullaankii lagu qaaday hey’adaha dastuuriga ee dalka ,isaga oo Ra’iisul Wasaaruhu uu soo magacaabi dooni guddi ka kooban 5 xubnood oo baaris dhameystiran ku sameeya sidii ay wax u dhaceen.

Dhacdadii ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay salka ku heysay khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble.