Ra’iisul Wasaare Rooble oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay Arrimaha doorashada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Waaare Rooble iyo Safiir Kate Foster ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Ingiriiska, kuna saleysan dhinacyo kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Danjire Kate Foster uga mahad celiyay taageerada ay dowladda Ingiriiska siiso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dowladda Britain ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana ay ka caawisaa Arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka iyo Amniga.