Ra’iisul wasaare Rooble oo shir la yeeshay Taliyaasha ciidamada Booliska iyo AMISOM

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la qaatay Taliyaha Booliska Soomaaliya, Taliska Booliska AMISOM  iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka Gobollada Waqooyi.

Kulanka ayaa waxaa marka hore looga hadlay diyaar garoowga ku aadan qabsoomida doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo la filayo in maalmaha soo socda bilaabato.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddoonka Guddiga doorashooyinka Somaliland faray inay dardar-geliyaan qabsoomida doorashada Aqalka Sare, isla markaana la dhameystiro howlaha yar ee harsan, si dib u dhac ugu imaan doorashada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Taliska Booliska AMISOM howlaha sugida amniga doorashada Aqalka sare ee Somaliland, isagoona ka dalbaday labada dhinac inay iska kaashadaan sugida amniga doorashada.

Doroashada Aqalka Sare ee gobolada waqooyi ee loo yaqaano Somaliland ayaa lagu wadaa inay qabsoomto toddobaadkan gudahiisa, wuxuuna kulankaan qeyb ka ahaa dar-dar gelinta amni ee doorashada.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa inay billaabato jeedinta khudbadaha musharaxiinta, waxaana kadib si rasmi ah loo gudo gali doona doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi.