Ra’iisul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Masar.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Masar  Moustafa Madbouly iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Masar Cabdulfitaax Al-sisi, waxayna labada dhinac yeelan doonaan kulammo ay uga wadaxaajoo doonaan arrimaha khuseeya xiriirka labada dal

Ra’iisul Wasaaraha oo safarkiisa ay ku weheliyaan xubno katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dalka Masar inta uu joogo Qaahira.