Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo saaray amar kale oo la xiriira Abaarta kajira dalka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay xoojineysaa dadaallada lagu taakuleynayo dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku nool gobollada dalka.

Shalay Ra’iisul Wasaaraha waxa uu baaq u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed, ganacstada, qurbajoogta iyo hey’adaha caalamiga in ay gacan ka geystaan Abaaraha.

Wasiiradda Diinta iyo Awqaafta kulamo roobdoon ah oo Allah lagu baryayo, dambi dhaafna lagu weydiisanayo.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu ku dhiirigaliyay xubnaha Gollaha Xukuumadda in ay gunnada ay qaataan ka bixiyaan 20% inta lagu jira xaaladdan adag ee abaarta.