Ra’iisul Wasaare Rooble oo war kasoo saaray Heshiiska Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

10

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay Maanta gaareen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xilgaarsiinta Mahdi Guuleed Khadar.

Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha u mahadceliyay cid kasta oo kaalin ka qaadatay heshiiska miro dhalaan ahaa ee dadaalladii xalka loogu raadinayay khilaafkii u dheexeyay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi Mahadi Guuleed Khadar.

“Waxaan soo dhaweynayaa isla markaan bogaadinayaa heshiiska laga gaaray khilaafkii arrimaha doorashooyinka Gobollada Woqooyi ee Somaliland. Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka waxaan ku ammaanayaa xil kasnimada iyo tanaasulka ay muujiyeen. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay in ay miro dhalaan dadaalladii xalka loogu raadinayay arrintan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaa uu rajeeyay in heshiiska Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed uu dhaqan galo, loona dhaqaaqo doorashada  xubnaha Somaliland ku matalaya labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ugu dhaqsaha badan.