Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Wasiiru Dowlaha xafiiskiisa U Xil Saaray Dardargelinta Doorashooyinka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wasiiru dowlaha xafiiskiisa Cabdixakiin Xasan Ashkir u xil-saaray dardar-gelinta howlaha doorashooyinka ee la filayo inay dhowaan ka dhacaan dalka.

Sidoo kalena Ashkir ayaa mas’uulka ka ah isku xirka iyo wada shaqeynta Xukuumadda, Dowlad Goboleedyada, hey’adaha Caalamiga iyo dhammaan howlaha la xiriira habsami u socodka howlaha doorashooyinka.

Xukuumadda Soomaaliya oo horey ugu dhowaaqay hirgelinta doorashada ayaa dadaal badan ku bixineyso sidii loo bilaabi lahaa howlaha doorashooyinka oo uu muran ka jiro.

Musharraxiinta mucaaradka, maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa weli dhankooda tabasho ka muuijinayo hannaanka ay doorashooyinka ku wajaheyso dowladda dhexe.

No description available.