Ra’iisul Wasaare Rooble oo weerar dadban ku qaaday MW Farmaajo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya kaliya looga gudbi karo in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in is jiidjiidka doorashada ay sababeen hoos u dhac ku yimid Ganacsiga dalka, wuxuuna sicad u sheegay in doorashada kadib waxkasta ay sidooda kusoo laaban doonaan.

Waxa uu ku adkeystay in doorashada loo qaban doono si deg deg ah, islamarkaana shirka Golaha Wadatashiga Qaran lagu go’aamin doono jadwal doorasho oo deg deg ah.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay in dalka doorasho ka dhacdo, sidoo kalena ay jiraan dad doonaya inay doorashada hakiyaan oo qorsho kale ka dhex raadinaya.

Farmaajo, oo ka careysan ceyrintii Rooble uu ku sameeyey xubno ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka, ayaa la sheegay inuu isku dayayo in la carqaladeeyo doorashada.

Sababta Villa Somalia uga dagaalameyso ceyrinta xubnaha guddiga ayaa la sheegay inay tahay inay rumeysan tahay in xubnaha cusub ay caqabad ku noqon doonaan rag kale oo loo wado xildhibaannimo sida Fahad Yaasiin, Cabdiraxmaan Dheere iyo Cabdullaahi Kulane.

Sidookale kooxda Farmaajo ayaa ka careysan in doorashada xildhibaanada reer waqooyiga aysan noqon sidii ay doonayeen oo ay kusoo baxayaan xubno badan oo aan taabacsaneyn.

Hadalkan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer ay dib u dhacday doorashada welina aan go’aan laga gaarin waqtiga ay dhamaaneyso.