Ra’iisul wasaare Xamsa oo ballan qaad cusub u sameeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen, iyagoo qaatay kulan arrimo badan looga wada hadlay.

Madaxweyne laftagareen ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha in uu helay kalsoonida Golaha Shacabka, una rajeeyay in Eebbe la garab galo waajibaadka qaran ee hor yaalla.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa caawa hoygiisa ku soo booqday Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, isagoo ugu hambalyeeyay in uu helay kalsoonida Golaha Shacabka, una rajeeyay in Eebbe la garab galo waajibaadka qaran ee hor yaalla” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed booqashada uu ugu yimid, isaga oo balan qaaday in dhammaan dowlad Goboleedyada uu wadashaqeyn dhow la yeelan doono.

Warar hoose ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre uu balan qaad u sameeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed kaas oo in Golaha wasiirada cusub ee la filaayo in dhawan la shaaciyo uu laga qeyb gelin doono Cabdicasiis Laftagareen oo xubanaha isaga keensado laga dhigi doono wasiir.