Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Tunis

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa xalay si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxa soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Tuniisiya, Imed Memmich iyo masuuliyiin kale.

Mudane Xamse ayaa ka qaybgalaya shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika (TICAD) kaasi oo ka furmaya magaalada Tunis – shirku waxa uu socon doona 27-28 Agoosto 2022.

Safarka Ra’iisul wasaare Xamza uu ku tagay dalka Tunisiya ayaa ah safarkii ugu horeeyey dalka dibadiisa u ambaxa baxo tan iyo markii loo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.