Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay arrin aan looga baran Ra’iisul Wasaarayaashii isaga ka horreeyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Bare oo ka hadlay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay arrimo uu dhibsaday uu ku arkay Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu ka shaqeynayo sidii arrimahaasi uu wax uga bedeli lahaa.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inuu dhibsaday in gabar ka tirsan AMISOM  oo aan Muslim eheyn ay qaabilsanaato ilaaladiisa oo ay ka ilaaliso dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in arrimahaasi ay kamid tahay waxyaabaha uu dhibsaday ee uu ku arkay madaxtooyada Soomaaliya.

“In gabadh-yar oo aan Muslim ahayn oo aan diin iyo dhaqan lahayn ay i waardiyeyso oo qof Soomaali ah iga ilaaliso ma aha wax aan aqbali karo”. Ayuu yiri Xamse.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday amni darada dalka ka jirto, wuxuu si gaara isu dul taagay dhibaatooyinka ka jira xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho ku xira gobolada dalka oo diyaarado loo kala raaco amni darada darted.

“Caqligeenna waa rogan yahay haddaan Soomaali nahay, sax maaha in aan diyaarad u kala raacno Jowhar, Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo, caqliga waa rogan yahay”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ra’iisul waaare Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabad ay hoteelka Jazeera ugu qabteen ardaydii wax ku soo baratay dalka Malaysia oo isagu uu ka mid ahaa ayaa sheegay inuu soo dhisi doono maalmaha soo socda xukuumad tayo leh oo uu kala tashanayo madaxweynaha dalka.