Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay sida uu u qaabili doono arrinta Jubbaland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo shalay ay codka kalsoonida siiyeen baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo wax ka qabta dhibaatooyinka dalka ka jira sida abaaraha, amniga iyo dhamays tirka Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay xoogga saari doonto sidii Soomaalilaya iyo Somaliland ay si dhab ah oo ehelnimo ah ay ugu wadahadli lahaayen .

Wuxuu sidoo kale kaga hadlay waraysi dheer oo BBC-da uu siiyay haddii isaga iyo madaxweynaha uu qilaaf soo kala dhex galo loo maareynayo arrinta gobalka gedo iyo qodobbo kale .

Xamse Cabdi Barre wuxuu sheegay in Jubaland ay kamid tahay meela uu mad-madowga ka jira isla markaana ay tallaabo kasta ay qaadayaan ay noqon doonto sidii lagu heshiisiin lahaa Soomaalida.

Waraysigaan waxaa la yeeshay Tifafaf-tiraha Laanta Af-Somaliga ee BBC-da Muxyadiin Axmed Rooble wuxuuna qaybtaan ugu horreyn waydiyay qaabka ka duwan madaxdii hore ee dowladiius u wajahayso wadahadllada Soomaaliya iyo Soomaliland.