Ra’iisul Wasaare Xamse oo qorsho cajiib ah u diyaariyey Gobolka Gedo.

XAMZA HOP#203

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xogaha waxay inoo sheegeen in wasiirka koobaad ee soomaaliya Xamse barre uu taleefoon kula hadlay ugaaska beesha sade ayna iska warsadeen socdaalkiisa garbahaareey.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalkiisa ayaa ah sidii gurmadka abaaraha deegaanada gedo ka jira loo gaarsiin lahaa lana dhameyn lahaa khilaafka Maamulka gobolka Gedo iyo Jubbaland ka dhex jiray in sanado ah.

Dawladdii hore ee Nabad iyo nolol ayaa diyaarado ciidan iyo hub ku daabushay gedo muddo labo sano kudhawna majirin cilaaqaad maamul oo ka dhaxeeyey Jubbaland iyo madaxda reer Gedo.

Taliyaha NISA ee Gobolkaasi Bakaal Kooke ayaa fiiladiisa waxay ku xirneyd Fahad Yaasiin iyo Farmaajo,iyadoo Gudoomiyaha Gobolka Gedo Canjeex iyo saraakiisha ciidamada iyaguna ay Villa Soomaaliya saaxiib la ahaayeen taasi badelkeedana colaad iyo dagaal uu kala dhaxeeyey Axmed madoobe.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa loo xilsaaray in uu isku soo dhawaanshiyo ka abuuro Jubbaland iyo Reer Gedo lana dhameeyo xurgufta ka dhex jirtay,waxaana wararku sheegayaan in socdaalkii Xamse Barre kadib uu Axmed Madoobe tegi doono Garbahaareey.

Lama oga waxyaabaha kasoo bixi doona safarkaasi wasiirka koobaad ee dalka ku tego Gedo oo lagu tilmaamay gobol la iska ilaaway hab maamulka,dawladdnimadana ay ka raagtay in muddo ah,hay’adihii tegi jirayna ay gaabis noqdeen culeysyada siyaasadeed ee dalka ka jiray oo saameyn taban ku yeeshay