Ra’iisul wasaare Xamse oo xil muhiim ah umagacaabay Agaasimihii Jubbaland TV

MUQDISHO-AYAAMAHA-Tan iyo markii la magacaabay bartamihii Bishii hore ee June Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa jirtay shakhsiyaad xilal ka helayey Xafiiskiisa uu dhawaan la wareegay.

Cabdiraxmaan Mustaf Maxamed ayaa laga dhigay gacan yaraha Ra’iisul wasaare barre,kaas oo gacanta ku haya,Taleefoonada Wasiirka Koobaad Ee Soomaaliya,islamarkaana wax walbo oo mudana looga baahan yahay isaga ayaa la wadaagaya.

Mustaf ayaa 2020-kii loo magacaabay Agaasimaha Jubbaland Tv balse waxa labo sano kadib uu helay xil ka sareeya tii uu dawlad gobolleedka Jubbaland ka hayey isagoo gacan yare unoqday Xamse Barre.

Markii koobaad oo Beesha ogaadeen ay xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qabteen ayey tahay taas oo sidoo kale xubnihii ugu badnaa ee beeshaasi kasoo jeeda ay shaqo ka heleen hay’adaha kala duwan ee Dawlada Soomaaliya sida la sheegayo.