Ra’iisul wasaare Xamza oo amar siiyey wasaarada gargaarka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday gobolka Bakool, kadibna u sii gudbay dhanka xadka dalka Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa amaray wasaaradda gargaarka, waxayna deeq gargaar u ah dirtay shacabka ku dhaqan gobolka Bakool oo isugu jirto raashin iyo daawo, sida ay shaacisay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dalka.

“Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bixiyay amarka maanta gargaarkada raashiinka iyo daawa loogu diray shacabka ku ku nool gobolka Bakool, iyadoo wasaaradda gargaarka amarkaas si deg deg ah ku fulisay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Xamza.

Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan xaalado is biirsaday oo ka dhashay abaaraha ka jira dalka iyo go’doon ay magaalooyinka qaar geliyeen xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab

Xamza ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay qaadi doonaan howlgal cusub oo ka dhan ah kooxdaasi, wuxuuna sheegay in ciidamada dowladda ay bixin doonaan jawaab deg-deg ah.