Ra’iisul wasaare Xamza oo billaabay kullamo uu la yeelanayo Xildhibaanada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre ayaa bilaabay kulamo uu la yeelanayo Xildhibaannada Golaha Shacabka, si uu codka kalsoonida u helo.

Xildhibaannada uu maanta la kulmay ayaa ahaa kuwa laga soo doorto Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyagoo si buuxda ugu caddeeyay inay codka kalsoonida siinayaan.

Maalinta Arbacada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse la horgeeyo Golaha Shacabka, si codka kalsoonida loogu qaado.

Inta badan marka ay timaado kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa Baarlamaanka si aqlabiyad leh u ansixiyaan oo aan wax caqabad ah lagala kulmin..