Ra’iisul Wasaare Xamza oo bixiyey Amar deg deg ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaanno ka mid ah ay falal amni darro ah ka geysteen kooxaha argagixisada.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada ay kooxuhu ka geysteen falalka argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay jawaab deg deg ah la bixin doonto dhibaatada ay geysteen kooxaha nabad-diidka ah, isla markaana gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato ee ay dhibaatadu soo gaartay.