Ra’iisul Wasaare Xamza oo kulan la qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre oo ay ka wada hadleen xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo sheegay in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wadashaqeynta isla markaana ay xoogga saari doonto sugidda amniga dalka.

Dowladda Maraykanka ayaa muddo badan Soomaaliya ka taageereysay la dagaalanka Al-shabaab, iyadoo Soomaaliya u tababartay ciidamada loo yaqaano Danab kuwaas oo dagaal xooggan la galay Al-shabaab.

May be an image of 2 people, people standing, suit and indoor

May be an image of 1 person, sitting, suit, wrist watch and indoor

May be an image of 1 person and indoor

May be an image of 2 people, people sitting and people standing