Ra’iisul Wasaare Xamza oo si heer sare ah loogi soo dhaweeyey Magaalada Beledweyne

BELEDWEYNE-AYAAMAGA-Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa barqanimadii maanta gaaray Magaalada Baladweyne Dowlad Gobolkeedka Hirshabeelle.

Waxaana Gadoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne kusoo Dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Madaxweyne kuxigeenka Yusuf Axmed hagar, qeybaha bulshada iyo Xubno kamid ah Labada Gole Dowladda Hirshabeelle.

Wafdiga Ra’iisul wasaare Xamse Waxaa qeyb ka ahaay Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka Wasaaradda qorsheeynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan beenebeene.