Ra’iisul Wasaarihii dalka Suudaan oo is casilay

MUQDISHO-AYAAMAHARa’isul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa xalay ku dhawaaqay inuu is-casilay, kaddib marki xukuumaddiisii kumeel-gaarka aheyd ay wiiqeen, ismari-waa siyaasadeed iyo bannaanbaxyo uu dhiig ku daatay oo ka dhashay afganbigii uu sameeyay miilatarigu.

Milateriga ayaa afgambi billaabay bishii Oktoobar waxayna Mr Hamdok sameeyeen xilligaas xabsi guri, laakiin dib ayaa loogu soo celiyay xukunka bishi xigtaya ka dib markii uu saxiixay heshiis cusub oo ku dhisan awood qeybsi ah.

Mudaaharaadayaashu diiddana sida xaal u socdo ayaa muddooyinkii u danbeeyey sii waday ay waddooyinka gaaf wraeegaan xilli ay dalbanayaan hoggaan siyaasadeed oo rayid ah.Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka, ayuu Mr Hamdok ku sheegay in loo baahan yahay heshiis cusub oo Sudan ay ugu gudubto xaalad dimuqraadiyad.