Ra’iisul Wasaarihii Hore Xasan Cali Oo Gaaray Dalka Ruushka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ahna musharax Madaxweyne ayaa gaaray dalka Ruushka.

Xasan cali kheyre ayaa kulamo la qaatay wasiirka arimaha dibadda iyo taliyaha sirdoonka dalkaas, waxaana weli la ogeyn u jeedka dhabta ee safarkiisa.

Barta twitter-ka Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka ayaa lagu qoray in Wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ay kulan labo geesood yeeshay.

Sida lagu xushay barta twitter-ka labadan masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga, ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Ruushka.

Kheyrre ayaa ah Musharax Madaxweyne  waxaana uu mudooyinkaan ku sugnaa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankan ayaa maanta ka dhacay magaalada Moscow ee dalka Ruushka oo uu booqasho qarsoodi ah ku tagay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.