Ra’isal Wasaarre Rooble Oo Goordhow Gaaray Xerada Bali-doogle

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow gaaray Xerada Ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ee Billi-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xerada Bali-doogle ku soo dhoweeyay Saraakiil ciidan, wuxuuna mudada uu joogo u kuurgalayaa howlgalada ciidanka Xoogga dalka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha ee Xerada Billi-doogle ayaa waxaa uu yahay sidii uu ugu kuur geli lahaa howlgala Ciidamada DANAB  ay ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaano kale.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’uiisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kormeer ku sameyn doona dhamaan qeybaha ay ka koobantahay xerada Bali-doogle oo ah taliska guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka, isla markaana ku taalla Gobolka Shabeellaha Hoose.

Booqasha Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku soo aadeysa, xilli Mareykanka uu qorsheynayo in maalmaha soo socda ciidamadiisa uu kala baxo gudaha Soomaaliya, waxaana go’aankaasi horey ugu dhowaaqay Madaxweynaha laga guuleystay ee Donald Trump.