Ra’isul Wasaare oo war kasoo saaray doorashada ka dhacday Kismaayo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga Maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland , Guddiga Doorashada Heer Federaal.

Sidookale Rooble ayaa u hambalyeeyey  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo isaga oo ku adkeeyay Guddiyada Doorashooyinka in doorashadu ay noqoto mid daahfuran oo waafaqsan habraacyada doorashooyinka.

Rooble ayaa u hambalyeeyey xildhibaannada maanta la doortay oo uu u rajeeyay in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa horay u sheegay inuu taageersan yahay shaqada uu hayo Ra’isul Wasaare Rooble islamarkaana ay tahay in looga dambeeyo doorashada.