Ra’isul Wasaare Rooble oo goordhaw soo saaray war culus oo ku saabsan doorashada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw go’aan culus ka qaatay doorashada Banaadirga oo lagu eedeeyay.

Hoos ka akhriso:

Waxaa cabasho iga soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga.

Si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Inta cabashadan xal loo helayo, waxaan farayaa guddiga SEIT ee Banaadiriga in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga.