Ra’isul Wasaare Rooble oo maanta shir deg deg ah isugu yeeray Golahiisa wasiirada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay inay si buuxda uga soo qeyb galaan Shirka Golaha oo maanta Axad ah oo taariikhda ku beegan 31-10-2021, Labada duhurnimo lagu qaban doono Villa Somalia.

Farriin qoraaleed loo diray xubnaha Golaha Wasiirada ayaa loogu sheegay kulanka dhici doona maanta oo Axad ah maadaama Kulankii Khamiistii dib loo dhigay.

Xogo xasaasi ah oo aan helnay ayaa sheegaya in RW Rooble uu ka war helay qorshe culus oo xafiiska Farmaajo ka socda.

Rooble iyo Farmaajo ayaa dhowaan heshiiyey mana la filaayo inay jirto dagaal culus balse waxaa si toos ah loo gudagalayaa doorashada golaha shacabka waxaana billaan doona is jiidjiidka iyo musuq doorashada.

Waa dhif iyo naadir shirarka Xubnaha Golaha Wasiirada la isugu yeero maalin Axada, iyadoo waqti dambe oo habeen ah in farriin qoraaleed loo diray Wasiirada.

Lama oga ajandaha rasmiga ah ee  RW Rooble kala hadli doono Golahiisa wasiirada balse waa arrin ku cusub in Golaha Wasiirada ay shiraan maalinta Axad ah.