Ra’isul Wasaare Xamse oo wada latashiyadii ugu dambeeyay ee magacaabida Golaha Wasiirada

XAMZA HOP#203

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku jira la tashiyadii u danbeeyey ee Golihiisa wasiirada oo la filaayo in todobaadka soo socdo uu ku dhawaaqo sida wararku sheegayaan.

Xildhibaano badan oo doonaya in kasoo muuqdaan ama kamid noqdaan Golaha wasiirada cusub ayaa Rai’sul wasaaraha todobaadyadii lasoo dhaafay la kulmay iyagoo ku qancinaya in uu ku daro liiska magacaabista golihiisa wasiirada.

Xubno qaarkood waxaa jira isku beel ahaan oo loolan adag uu ka dhaxeeyo, Inkastoo ugu dambeyn wax walba kala cadaan doonaan markii lagu dhawaaqo liiska golaha wasiirada.

Intii ugu badneed waxaa la xaliyay caqabadihii ka taagnaa ku dhawaaqista Golaha wasiirada iyadoo la filayo in Lagu dhawaaqo 20bishaan ilaa 25Bisha.

Xukuumadan cusub ayaa lagu dhawaaqayaa xili dalka ay ka jiraan abaaro baahsan iyo amni darro xoog leh oo muqdisho ka jirta.