Ra’isulwasaare loo haysto dilka madaxweynihiisa

Ra'iisul wasaaraha Haiti oo loo haysto dilka madaxweynahiisa

Ra’iisulwasaaraha dalka Haiti Mr. Ariel Henry ayaa laga hor istaagay in uu ka boxo dalkaasi xilli uu ku socdo baaritaan la xiriira dilkii loo gaystay madaxweynihii Haiti Jovenel Moise.

Dacwad oogaha guud ee dalkaasi ayaa dacwado kusoo oogay Ra’isulwasaaraha, wuxuuna doonayaa in uu ka jawaabo su’aalo la xiriira dilka madaxweynaha.

Waxaa soo baxay caddeymo muujinaya in Ra’isulwasaaraha uu taleefoon saacad kadib dilka kula hadlay mid ka mid ah dadka dilka madaxweynaha lagu tuhunsanyahay, Joseph Felix Baidio.

Ra’isulwasaare Henry ayaa xilkii ka qaaday dacwad oogaha , Bed-Ford Claude, isaga oo ku eedeeyay xil gudasho la’aan.

Balse waxa ay u muuqataa dacwad oogaha ayaa xafiiska kusii nagaaday kadib markii wasiirka caddaalada dalkaasi uu siiyay ciidamo booliis ah oo dheeraad ah oo illaaliya amnigiisa.

Waxaa la sheegay in Ra’isulwasaaraha uusan sharciyad u lahayn in uu xilka ka qaado dacwad oogaha.

Rag hubaysan ayaa bil ka hor gurigiisa ugu dhacay madaxweynaha, kaas oo ku yaala magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince, kadibna meesha ku dilay, taasina waxa ay keentay in dalkaasi uu galo qalalaase siyaasadeed.

Ra’iisul wasaaraha Haiti oo loo haysto dilka madaxweynahiisa AYAAMAHA