Rakaab labo maalmood ku xayiran garoonka Muqdisho “hal arrin darteed”.

MUQDIAHO-AYAAMAHA-Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in laba maalmood garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ku xayiran yihiin 40 rakaab ah oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo ku wajahnaa magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in dadkaan ay celisay kadib markii ay sheegtay in ay baareyso 2 qof oo siyaasiin reer Gedo ah oo ka tirsanaa Rakaabka.

Wararka ayaa sheegayaa dowladda Soomaaliya gaar ahaan hay’adda NISA ay diiday in dadka kale oo gaaraya 38 qof loo fasaxo safarkooda ama in ay dib ugu laabtaan guryahooda mana cadda sababta rasmiga.

Dadkaan ayaa 48 saac jiifa qeyb kamid ah garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaana ku jira qof dumar ah oo aad u xanuunsan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay aad u adkeysay ammaanka garoonka diyaaradaha sida aan dalka usoo gelin lacago farabadan oo lagu qalqal-gelinayo doorashooyinka dalka.