Ramla Ali oo looga adkaaday cayaartii feerka Olombikada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ramla Cali oo ah gabadha Soomaaliya ku mataleysa cayaaraha feerka Olombikada ee Tokyo ayaa looga adkaaday dhibco kadib markii ay is wajaheen gabar kale oo ka socotay dalka Romania.

Ramla loogama qaadin feer ama lama dhigin dhulka ee waxaa looga qaaday dhimco oo kaliya.

Maria Claudia Nechita oo ka socotay dalka Romania ayaa uga guuleystay feerkan xilli ay dhexmartay ciyaar adag.