Rasaas goos goos ah oo weli laga maqlaya Villa Rose iyo wararkii ugu dambeeyey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Rasaas goos goos ah ayaa weli laga maqlayaa hoteelka aadka loo ilaaliyo ee Villa Rose ee ku yaal xayndaabka qarsiga madaxtooyada ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo xalay siddeeddii fiidnimo iyo daqiiqado ay ururka Al-Shabaab ku ekeeyeen weerrar culus.

Dadka ku sugan aaggaasi ayaa ku warramaya in tan iyo xalay ay maqlayeen qaraxyo iyo rasaas la isku waydaarsanayo hoteelka gudahiisa, goobtaas oo ay tagaan saraakiisha dowladda.

Dhammaan waddooyinka soo gala Madaxtooyada Soomaaliya waxaa saaka la dhigay Ciidamo aad u farabadan oo isugu jira Boolis iyo Millateri, kuwaas oo dadka iyo gaadiidka u diidaya inay dhinaca Madaxtooyada soo aadaan.

Mas’uuliyiin, dad Shacab ah iyo syaasiyiin ayaa laga soo badbaadiyay Hotelka Reys ee weerarka lagu qaaday, kaas oo la sheegay in rag hubeysan ay weli gudihiisa kujiraan.

laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan weli faah faahin rasmi ah ka bixin weerarka marka laga reebo qoraal kooban oo xalay Booliska kasoo baxay kaas oo lagu sheegay in uu socdo howlgalka lagu soo afjarayo ragga weerarka geystay.

Siduu ku bilowday weerrarka?

Waxaa la sheegay in qarax lagu bilaabay weerrarkaasi, kaddibna rag hubaysan intay u gudbeen hoteelka ay halkaasi ka dagaallamayaan.

Ciidammada ammaanka ayaa wada howlgal ay ku doonayaan inay ku soo afjaraan duullaanka iyo dagaalka ka socda hoteelka, halkaas oo la rumaysan yahay in weli qaar kamid ah raggii duullaanka soo qaaday ay ka dhex dagaallamayaan.

Illaa iyo haatan saraakiisha ammaanka faafaahin dheeraad ah kama aanay bixin waxa hoteelka waqtigan ka soconaya.

Afhayeenka booliska Soomaaliya, Korneel Sadiiq Aaden Doodishe, ayaa isla xalay sheegay in ciidammada ammaanku ay howgal ka wadaan hoteelkaasi, islamarkaana ay soo badbaadiyeen dad badan oo isugu jira shacab iyo mas’uulyiinba.