Rasaastii galab lagu furay Xasan Sheekh oo lagu tilmaamay “isku-day dil” loo geysan rabay Madaxweynaha.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa rasaastii lagu furay kolonyadii uu la socday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la sheegay in hal askari uu kaga dhaawacmay MW Xasan Sheekh.

Wararku waxaa ay sheegayaan in rasaas badan ay haleeshay gaariga uu saarnaa Madaxweynaha oo ahaa kuwa aan xabadda karin.

Ciidanka Asluubta ee ku sugan kontaroolka ku yaala agagaarka kawaanka Mallaayga ayaa rasaasta ku furay kolonyada MW Xasan Sheekh, iyadoo markii dambe ay is qabsatay ilaa Maxkamadda Gobalka.

Wasiirkii hore ee amniga gudaha, Cabdirisaaq Maxamed oo sidoo kale ah mudane ka tirsan baarlamaanka, oo kamid ahaa mas’uuliyiintii la socotay kolonyadii la xabadeeyay ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay arrintaas.

Cabdirisaaq ayaa isku-day dil ku tilmaamay rasaastii ay ku fureen ciidamada dowladda Kolonyo Gawaari ah oo la socotay Xasan Sheekh, xili ay marayeen ayaa ka hadlay dhacdadii maanta ku qabsatay agagaarka xarunta Maxkamadda gobolka Benaadir ee degmada Xamar Weyne.

Waxa uu ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ka dalbaday in dhacdadaas uu ku sheegay isku-deyga dil ee ka dhanka ahaa madaxweynihii hore ku sameeyo baaris deg-deg ah.

“Rooble waa inuu baara isku-deyga dil ee ka dhanka ah madaxweynihii hore Xasan Sheekh. Taasi oo dhacday 40-daqiiqo ka hor. Aniga qudheyda waxaan la safrayay madaxweynaha oo aan wehliyo taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe. Waa daan-daansi aan la aqbali karin oo ka dhan ah madaxweynaha,” ayuu yiri.

Waa markii 3-aad oo uu Xasan Sheekh Maxamuud la kulmo weerar toos ah 4-tii sano ee ugu dambeysay, waxaana lagu weeraray hoteel Maa’idda Xamar Weyne, gurigiisa oo ku yaala Isgoyska Mirinaayo iyo kii maanta ka dhacay Maxkamadda Gobalka Banaadir. Sidoo kale waxaa hawada lagu celiyay diyaarad ay saarnaayeen isaga iyo MW Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo safar u ahaa Beladweyne.