Reer Galbeedka oo doonaya in Putin ay u gacan geliyaan maxkamadda ICC.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dacwad oogaha guud ee Maxkamadda Dembiyada Adduunka (ICC) ayaa shaaciyay inuu baaritaan ku billaabay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, oo lagu eedeeyay in ciidamadiisa ay dembiyo dagaal ka geysteen Ukraine.

Labada dal ee ay colaadda u dhexayso – Ruushka iyo Ukraine – ayaan ka mid ahayn waddamada dhaqangeliyay xeerka lagu asaasay maxkamadda ICC.

Dacwad oogaha maxkamadda, Karim Khan, oo baaritaan ka waday Ukraine tan iyo 2014, xilligaas oo uu bilowday dagaalka Bariga dalkaas, ayaa sheegay in baaritaanka lagu kordhin doono dembiyada cusub ee la tuhunsan yahay inay dhawaan ka dhaceen Ukraine.

Hase yeeshee su’aasha la isweydiinayo ayaa ah in baaritaanka uu horseedi karo in maxkamadda la horgeeyo Madaxweyne Putin.

Inkastoo aysan labada dal xubin ka ahayn ICC, haddana Ukraine ayaa soo saartay xeerka 12(3) ee ay maxkamaddu ku dhisan tahay, taasoo u oggolaanaysa inay baarto dembiyada la rumaysan yihiin inay dalkaas ka dhaceen.

Khubarada qaanuunka ayaa ku doodaya in maadaama ay ICC u baahan tahay in la horgeeyo shakhsiyaadka ay dacwaddooda qaadayso, haddana arrinta ugu adag ay tahay sida Putin lagu geyn lahaa the Hague.

Waxaa sidoo kale adkaan doonto in dal uu ku dhiirado in Putin oo dibedda joogo uu qabto, una gacan geliyo maxkamadda ICC.

Waxaa dhici karta in haddii uu isbedal xukun ka dhaco Ruushka, ama xilka laga qaado Putin, ay markaa sahlanaan doonto in la soo taago maxkamadda ICC.

Maxkamadda Dembiyada Adduunka ayaa marar badan lagu dhaliilay in go’aan qaadashadeedu yahay mid gaabis ah oo muddo qaata. Sababta ayaa ah in ICC ay waqti badan geliso ururinta caddeymaha, iyo xaqiijinta marqaati furka ku aaddan dembiyada ay baarayso.

ICC ayaa la tilmaamay inay wajahayso dhaqaalo yari, taasoo qeyb ka qaadan karta dib u dhac ku yimaada baaritaanka ku aaddan dembiyada ka dhacay Ukraine.

Ukraine ayaa sidoo kale Ruushka dacwad uga furtay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ), iyadoo u haysata in Moscow ay ku gardarootay. Ruushka ayaa qaadacay dhagaysiga dacwaddaas. Maxkamadda ICJ ayaa dhegaysata dacwadaha u dhexeeya waddamada, wax dembi ahna kuma soo oogi karta hogaamiye gaar ah, sida Putin.

141 dal oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Ruushka ku dhaliilay duullaanka uu 24-kii February ku qaaday Ukraine oo u uku eedeeyay inay khatar ku tahay amnigiisa qaran.

Maxkamadda ICC ayaa horay loogu eedeeyay inay dacwad ku soo oogto madaxda Afrikaanka oo keliya, isla markaana aysan xoogga saarin tacadiyada ka dhaca qeybaha kale ee caalamka