Roobka Gu’a oo ka curtay deegaano badan oo kamid ah Gobolada Dalka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qeybo badan Gobolada dalka ayaa waxaa ka curtay Roobka guga oo ah mid mahiigaan ah, sida ay ka soo warameen dadka deegaanka.

Roobabkaan ayaa shalay iyo xalay ka da’ay deegaanno ka mid ah Gobolada Mudug, Gaalgaduud iyo Bakool, waxaana ku diirsaday dadka iyo xoolaha, xili abaar darran ay dadka wajahayeen bilihii dambe.

Waddooyinka iyo meelaha biyo ay fariistaan ayaa waxaa ku hoortay xareeda Roobka, isla markaana waxaa dadka xoola dhaqata ay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan deegaanadii ay hore abaar darteed uga barakaceen.

Bilihii la soo dhaafay ayaa dalka waxaa ka jiray abaaro baahsan oo dhaliyay dhimasho iyo barakac ku yimid dadka iyo xoolaha.