Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo lagu eedeeyey Inqilaabka Doorashada 2021-ka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shirkoodii Muqdisho 21-22 Ogost 2021 kasoo saaray War-murtiyeedka lagu faahfaahiyey habraacyada Doorashada, Dhaqaalaha iyo Amniga, iyadoo awoodaha ay qeybsadeen Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda maamul Goboleeyada.

Arrimaha ugu muhiimsan ee War-murtiyeedka ku jira ayaa ah in awooddii maamulka Doorashada Dadban ay inqilaabeen, lana wareegeen Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ee shanta ah.

Qodobada soo socda waxay muujinayaan, sida Doorashadii isugu bedeshay xulitaan ay maamulayaan siyaasiyiin, halkii ay ahayd inay Guddi madax bannaan howshaas qabtaan:

1- Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FIET) oo la awood tiray

Guddigan oo dhowaan soo saaray Habraaca Doorashada xildhibaannada Golaha shacabka, waxaa awoodiisii oo dhan lagu wareejiyey Guddiga Heer Maamul Goboleed ee ay u taliyaan madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, waxaana awoodihii Guddigan kusoo haray Kormeerid, Ogaanshaha maamulka miisaaniyadda Doorashada iyo kaliya sharciyad iyo shahaado siinta xildhibaannada.

2- Rooble oo la wareegay maamulka Doorashada Somaliland

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble wuxuu la wareegay maamulka Doorashada labada Aqal ee Somaliland oo muddo dheer khilaaf ka taagnaa, wuxuuna isku qoray inuu yahay Hubiyaha iyo Korjoogtada Doorashadooda.

Waxaa Rooble ay madaxda maamul Goboleedyada u ansixiyeen inuu maamulo Doorashada xildhibaannada Somaliland iyo Banaadiriga, iyadoo muuqata inay uga bedesheen inay yeeshaan awoodda maamulka Doorashada xildhibaannada laga soo doorayo maamuladooda.

Sidoo kale Xafiiska Ra’iisal wasaaraha wuxuu ku jiraa dhammaan howlaha Doorshada, sida maamulka Miisaaniyada Doorashada, Amniga iyo hubinta ergooyinka Doorashooyinka ka dhacaya magaalada Muqdisho.

3- Madaxda Maamul Goboleedyada oo si dadban ula wareegay Doorashada Dadban

Iyagoo si aan horay loo arag ula wareegay Doorashadii Aqalka Sare, ayey mar kale madaxda Maamul Goboleedyada si toos ah u maamulio doonaan Doorashada xildhibaannada Golaha shacabka, waxayna u marayaan Guddiyada Doorashada ay magacaabeen oo gacanta loo geliyay awoodda Doorashada.

Lama oga sida Guddiga Doorashada Heer Federaal ee awoodii laga qaaday uga jawaabi doono arrintan, laakiin waxaa ka mida xubno ku xiran, kana amar qaata madaxda Maamul Goboleedyada.