Rooble iyo Qoor Qoor oo isla meel dhigay qodob ay dood badan ka taagneyd

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ku kulmay Madaxtooyada Dhuusamareeb ayaa kawada xaajooday dardargelinta Doorashada Golaha Shacabka BFS.

Rooble sida uu ballanqaaday waxa uu billaabay dardargelinta Doorashooyinka si Madaxda Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka uu ugala hadlo billaabista Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Rooble ayaa ka dalbaday QOOR QOOR in kuraasta ay u tartamaan dhamaan dadka isu soo sharaxay islamarkaana aan cidna laga reebin si doorasho daah-furan ay u noqoto taa oo qoor qoor uu aqbalay.

Wasiirka koowaad ee XFS ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo Madaxda Dhaqanka si uu ugala hadlo kaalintooda oo ah diyaarinta Ergada Dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka si waqti kooban lagu soo gabagabeeyo Doorashada.

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad-Goboleed ee Galmudug waxa uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen kala hadlay billaabista Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka maadaama lagu wareejiyay Agabka loo adeegsanayo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegtay in uu sii wadayo safarka uu ku tagayo Dowlad-Goboleedyada si Madaxda heer Dowlad-Goboleed ugala hadlo qabashada Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.