Rooble Iyo Wafdigiisa oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Djibouti

UQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen  Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Djibouti ee caasimadda Djibouti.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa  halkaas ku soo xiri doono Madasha Aragti Wadaagga Heritage.

Garoonka diyaaraddaha dalka Jabuuti waxaa kusoo dhaweeyay dhigiisa dalka Jabuuti, waxaa uu sidoo kale kulamo uu la yeelan doono Madaxweynaha Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan Djibouti waxa ay kulamo la qaadan doonaan qaar ka mid ah Madaxda dowladda Djibouti, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha soo xirayaa Madasha Aragti Wadaagga Heritage.