Rooble, Madaxda M/Goboleedyada Iyo Beesha Caalamka Oo Kulan Uga Socda Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxda shanta dowlad Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Teendhada Afisyooni.

Kulanka oo uu shir guddoominaayey Ra’iisul wasaare Rooble ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo heshiiskii maalmo kahor Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay ka wada gaareen khilaafkii ka tagaan doorashada dhaceysa.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlayaa sidii hoggaamiyeyaasha Soomaalida u dhaqan gelin lahaayeen heshiiska, iyaga oo taageero dhinac walba ah ka helaya Wakiilada Beesha Caalamka.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa ay siwadajir ah u saxiixeen heshiis doorasho oo ay ku gaareen Shir Afar Maalin uga socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.